Dhismayaasha Gal-barwaaqo
Masjidyada Gal-barwaaqo
Masjidyada al-Aqsa iyo Al-Nuur ee ku yaalla Gal-barwaaqo — waa masaajida ugu waa weyn magaalada, oo u adeega bulshada, sida tukashada salaadaha maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha. Dhismayaashaan waxaa lagu caabudaa Allah Subxaana Wa Tacaalaa. Masaajidyada waxay dhacaan labada dhinac ee magaalada laga soo galo, markii laga yimaado magaalada caasimada u ah Gobolka Mudug ee Galkacyo waxaad la kulmeysaa Masjidka Al-Aqsa, dhismihiisa cad ee leh saqafka buluugga ah waa calaamad lagu garto Masjidka.
Dadka deegaanku waxay masaajida isugu yimaadaan fiidkii si ay isugu soo dhawaadaan oo ay u cibaadeystaan.
Dhismayaasha
Gal-barwaaqo
Masjidyada

Hormuud Telecom
Degmada Gal-barwaaqo waxay leedahay isgaarsiin Casri ah.
Taawar bir ah oo dhererkeedu yahay 40 mitir, ayaa ka shaqeysa adeegga isgaarsiineed ee dadka deegaanka iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Waxaa maamusha shirkadda Hormuud Telecom.
Taawarkani wuxuu suurageliyaa wicitaannada telefoonka, adeegyada lacagaha mobilka, iyo helitaanka internet-ka — kuwaas oo muhiim u ah waxbarashada, caafimaadka, iyo ganacsiga degmada.

Xarunta Ganacsiga Gal-barwaaqo
Wadada dheer ee dhax marta deegaanka Gal-barwaaqo waxaa ku yaalo dukaamo iyo farmashiye, carwooyin, baasiinka baabuurta ayaa isku dhinac ka wada shaqeeya.
Dukaamada Gal-barwaaqo wuxuu iibiyaa raashin, dhar, taleefanno, iyo agabka guryaha, halka farmashiyaha ku dheggan uu bixiyo dawooyinka aasaasiga ah iyo agabka caafimaadka. Xaruntani waxay adeeg u tahay dadka deegaanka iyo sidoo kale dadka safarka ah.
Xarunta Ganacsiga

Isbitaalka Degmada Gal-barwaaqo
Degmada Gal-barwaaqo waxaa ku yaalo Isbitaalka Guud ee Gal-barwaaqo Hospital kaas oo bixiyo adeegyada aasaasiga ah ee nolosha biniaadamka, sida hooyada iyo dhalaanka, daawaynta guud iyo xarunta sheybaarka. Isbitaalka waxa uu soo maray marxalado kala duwan, balse dib ayaa loo howl galiyay, iyadoo haatan ay ku socoto balaarin xoogan.
Isbitaalka waxa uu u adeegaa bulshada ku dhaqan degmada Gal-barwaaqo iyo tuulooyinka ku xeeran degmada sida Boorwyne, Miigag dheere, Birqaday, Barkadaha Culumada, Hararog, Qalqaloocan, Qarqoor Cawaale, Gutaale, Kalasooc, Kal hayr, Laasa hawiye, Banbila iyo Toore
Isbitaalka Degmada