About
Gal-barwaaqo District, Hobyo, Mudug Region
Gal-barwaaqo waxay ka mid tahay degmooyinka ku yaal gobolka Mudug, Dawlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya. Degmadu dhul ahaan waxay cabbirkeedu yahay 3 kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Gal-barwaaqo waxay u dhaxaysaa magaalooyin iyo tuulooyin ay ka mid yihiin Ceelguula iyo Hobyo oo koonfur-bari kaga beegan, iyo Galkacyo iyo Wargalo oo waqooyi-galbeed kaga beegan. Gal-barwaaqo waxay magaalada Galkacyo u jirtaa 75 km, halka magaalo-xeebeedka Hobyo ay u jirto 130 km. Caasimada Moqdishu waxay u jirtaa 520 km.
Degmada Gal-barwaaqo waxay leedahay isbitaal, dugsi hoose/dhexe, farmashiye, dukaamo, kaalimo shidaal, carwooyin laga dukaamaysto, adeegga isgaarsiinta Hormuud, iyo masaajid lagu tukado.
Magaalada waxaa deggan dad isku hayb ah oo kasoo wada jeeda Reer Abakar Culus, Sacad, Habargidir, Hawiye.
Degmada Gal-barwaaqo waxay caan ku tahay dhaqashada xoolaha, gaar ahaan ariga iyo riyaha cadcad. Sidoo kale waxay caan ku tahay barashada diinta Islaamka. Waxaa ku nool abwaanno badan oo rag iyo dumarba leh, kuwaas oo kaalin muuqata ku leh suugaanta iyo dhaqanka, sida abwaanka Abwaan Majiin.