History of Gal-barwaaqo

Taariikhda, Aasaaska iyo Horumarka Degmada Gal-barwaaqo

Degmada Gal-barwaaqo waxaa la aasaasay sanadkii 1961, waxaana aasaaskeeda hormuud u ahaa suufigii caanka ahaa *Suufi Xalwo*. Isaga ayaa qorsheeyay dhismaha magaalada, wuxuuna bixiyay dhulkii danta guud, kadibna bulshada u qaybiyay meelihii ay degganaan lahaayeen, taas oo saldhig u noqotay nidaamka iyo koboca deegaanka.

Dhanka diinta iyo waxbarashada Islaamka, macalinkii ugu horreeyay ee Qur’aanka ka bilaabay degmada wuxuu ahaa *Macalin Cumar Maxamed Diirshe, oo maanta ah Guddoomiyaha Degmada Gal-barwaaqo. Sidoo kale, shiikhii ugu horreeyay ee kitaab diini ah ka bilaaba degmada wuxuu ahaa **Shiikh Aaden Xirsi Barre*, kaas oo door weyn ka qaatay fidinta cilmiga diinta.

Ceelkii ugu horreeyay ee degmada laga qodo waxaa qoday *Cumar Weerow*, taas oo suurtagelisay deggenaanshaha bulshada iyo horumarinta nolol maalmeedka.

Degmada Gal-barwaaqo waxay caan ku tahay dhaqashada xoolaha, gaar ahaan ariga riyaha cadcad, iyo sidoo kale barashada diinta Islaamka. Waxaa ku nool abwaanno badan oo rag iyo dumarba leh, kuwaas oo kaalin muuqata ku leh suugaanta iyo dhaqanka, sida abwaanka *Abwaan Majiin*.

Marxaladihii dambe, degmada waxaa gaarsiiyay horumar muuqda agaasimaha *Abshir Hashi Ali*, oo bilaabay hirgelinta waxbarashada dugsiyada, taas oo hore u suurtageli weyday bulshada. Wuxuu sidoo kale door weyn ka qaatay horumarka guud ee magaalada.

Horumarkaas waxaa si weyn uga qayb qaatay dhalinyarada deegaanka oo isku daray xoog, maal iyo dadaal, si ay u horumariyaan degmada.

Maanta, Gal-barwaaqo waa degmo leh adeegyo muhiim ah oo bulsho u baahan tahay, lehna taariikh, diin, dhaqan iyo horumar is biirsaday.

History of
Gal-barwaaqo

Taariikhda, Aasaaska & Horumarka Degmada Gal-barwaaqo

Gallery

Gallery