Dhallinyaro kasoo ambabaxday magaalada Galkacyo oo booqasho ku tagay Gal-barwaaqo ayaa tilmaamay in deegaanku ka mid yahay meelaha qadiimiga ah ee gobolka Mudug. Waxay sheegeen in ay la kulmeen magaalo aad u qurux badan, horumar iyo ganacsi firfircoon ay ka muuqdaan.
Dadka deegaanka iyo kuwa maalgeliyay magaalada waxaa lagu bogaadiyay beerta loogu magac daray New Barwaaqo, taas oo fikradeeda iyo milkiyaddeeda uu leeyahay Duraan Colaad.
Ma is lahayn "yaanyo guduudan" ayaa ka baxayso agagaarka Gal-barwaaqo iyo sidoo kale qudaarta kala duwan. Deegaankuna hadda kuma koobna oo keliya xoolo dhaqashada. Aad ayaan ugu faraxnay aniga iyo asxaabta ila socoto.
Mahad Cusmaan Kaarshe